Wararka ka imaanaya Magaaladda Qardho ee Gobolka Karkaar ayaa ku waramaya in 8 ruux oo ka kooban laba qoys in Jimcihii shalay la dhigay isbitaalka magaalada Qardho kadib markii ay ku sumoobeen caano ay cabeen.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dhaqaatiirta isbitaalka la dhigay, Dadka sumoobay waxa ku jira carruur yar yar kuwaasi oo midkood uu markii dambe geeriyooday.
Sidoo kale Mas’uuliyiinta isbitaalka ayaa sheegay in haatan lala tacaalayo, dadka ku sumoobay caanaha,balse ma aysan bixin faah-faahin intaas ka badan.

