Guddiga Doorashadda Xaaf oo Maanta Shaacin Doona Xildhibaanadda

0

Si ku cad jadwalka Doorashadda ay soo saareen Guddiga Farsamadda Madaxweyne Axmed Ducaale (Geelle), uu kaga dhawaaqay magaaladda gaalkacyo 18-ka oo maanta ku beegan ayaa la shaacin doonaan Xildhibaanadda Galmudug garabka Gaalkacyo.

Xubno ka Tirsan Guddiga Farsamadda ayaa idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho u sheegay in qorshaha lagu soo xulayo xildhibaanadda labaad ee Galmudug uu yahay mid la diyaariyay,islamarkaana maanta lasoo gaba-gabeyn doono.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in 20-ka bishaan la dhaarin doono Xildhibaanadda lasoo xulay,islamarkaana 25-ka bishaan la dooran doono Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Dhanka kale waxa ay sheegeen in la diyaariyay qorshaha doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here