Musharixiinta xilka gudoomiyaha baarlamanaka maamulka galmudug ayaa maanta Jeedin doona khudbadahooda waxqabadka.
Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cusmaan oo ayaa u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug waxayna maanta jeedin doonaan Khubadahooda.
Sidoo kale waxaa isla maanta khudbadahooda jeedin doona Musharixiinta Gudoomiye ku-xigeenka 1 aad iyo 2 aad, waxaana u taagan Xubno taageero ka kala helaya Dowlada faderaalka Soomaaliya iyo Ahlusunna waljamaaca.
Musharraxa Guddoomiyaha Baarlamaanka u tartamaya ayaa laga qaaday $10,000 oo doollar, ku xigeenka 1aad ayaa laga qaaday $5000 oo doollar halka ku xigeenka 2aad laga qaaday 2500 oo doollar.
Doorashada Guddoonka baarlamanaka Maamulka Galmudug ayaa maalinta bari ah ka dhacaysa Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug.

