Musharixiinta Xilka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo Maanta Khudbeynaya

0

 Musharixiinta xilka gudoomiyaha baarlamanaka maamulka galmudug ayaa maanta Jeedin  doona khudbadahooda waxqabadka.

Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cusmaan oo ayaa u taagan xilka Gudoomiyaha  Baarlamaanka Galmudug waxayna maanta jeedin doonaan Khubadahooda.

Sidoo kale waxaa isla maanta khudbadahooda jeedin doona Musharixiinta Gudoomiye ku-xigeenka 1 aad iyo 2 aad, waxaana u taagan Xubno taageero ka kala helaya Dowlada faderaalka Soomaaliya iyo Ahlusunna waljamaaca.

Musharraxa Guddoomiyaha Baarlamaanka u tartamaya ayaa laga qaaday $10,000 oo doollar, ku xigeenka 1aad ayaa laga qaaday $5000 oo doollar halka ku xigeenka 2aad laga qaaday 2500 oo doollar.

Doorashada Guddoonka baarlamanaka Maamulka Galmudug ayaa maalinta bari ah ka dhacaysa Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here