Al-shabaab ayaa Xukun dil ahaa ku fuliyay 4-ruux ay sheegeen in ay ka Tirsanaayeen Dowladda Soomaaliya.
Xukunkaan dilka ah ayaa ka dhacay fagaare weyn oo ku yaalla degmadda Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Boqolaal dadweyne ah iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa ku sugnaa goobta xukunka dilka lagula fuliyay xubnaha la sheegay in ay la shaqeynayeen Dowladda Soomaaliya.
Hadalo kooban oo dadka loo jeediyay kadib, waxaa fagaaraha la keenay 4 xubnood oo eedeysanayaal ah, intaasi kadibna qaadiga Maxkamadda Shabaab ee Shabeelaha hoose ayaa faahfaahin ka bixiyay raggan waxa lagu hayso.
- Ayuub Xassan Buraale oo ka tirsanaa maamulka Koofur Galbeed ugu magacaaban Kurtun waarreey, oo 23-jir ah ayaa sheegay n uu maalin u tagay nin Xildhibaan ah oo ay isgaranayeen kana dalbaday xil, kadibna loo gudbiyay Wasiir ka tirsan maamulka Koofur Galbeed, kaasoo u magacaabay dhirta iyo daaqa Kurtun waarreey,maacaabis kadib wuxuu sheegay inuu safar u aaday degaanka Golweyn balse meel dhexe lagu qabtay.
- Xassan Cusmaan Cali (Abayle) oo 40 sano jir ahaa, laguna eedeeyay in uu ka tirsanaa ciidanka maamulka Baraawe bulshadana aad ugu dhibi jiray Koontaroolka,wuxuuna sheegay inuu muddo sadax sano iyo bar ah kamid ahaa askarta maamulka Baraawe.
- Xassan Faarax Maxamad (Gambiye) da’diisuna 40 ahayd, kaasoo lagu eedeeyay inuu kamid yahay ciidamada Dowladda,wuxuuna qirtay inuu ka tirsan yahay ciidanka DF, lana shaqeynayay muddo 7 bilood ah, kadibna la qabtay isagoo ku jira safar uu ku aadayay degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.
- Xuseyn Xassan Geelle oo 30 sano jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay ciidanka Dowladda,wuxuuna sheegay inuu muddo 4 bilood ah kamid ahaa ciidamadda dowladda, kadibna uu yimid tuulo u dhow degaanka Dacaaraha lana soo qabtay.
Markii xukunka la fuliyay kadib mas’uuliyiin ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab oo goobta ka hadlay ayaa shacabka ugu digay In ay xiriir la yeeshaan Dowladda Soomaaliya,islmarkaana sharciga lala tiigsan doono dadkaan.
Xukuno sidaan oo kala ah ayay shabaab ka fuliyeen Magaalooyinka ay ka maamulaan Goboladda dalka Soomaaliya,waxaana xukunkii ugu dambeeyay uu ka dhacay Gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulka Soomaaliya.

