Dowlad Goboleedka Puntland oo shaacisay Wakhtiga La toogan doona seddex Xukumane

0

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay Wakhtiga La toogan doona seddex Xukumane oo loo haystay kiiskii Caasho Ilyaas.

Maxamuud Xassan Aw-Cismaan oo ah Xeer ilaaliyaha guud, Puntland ayaa sheegay in saddexda xukumane Boosaaso lagu toogan doono subaxnimada Talaadada ah, ee ku beegan 11-ka bisha soo socota ee February 2020 saacaddu marka ay tahay 8:00am subaxnimo.

Seddexda Shaksi ee Danbiga lagu helay ayaa kala ah: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ayaa lagu helay in ay ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii February 2019 magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden.

Waxaa horay u xukuntay raggaan Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo Maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019.

Kufsigii ay Caasho Ilyaas ay raggani u gaysteen ayaa ahaa mid dhammaan Bulshada Soomaaliyeed ay Si weyn ugu xumaadeen, waxaana la wada sugayaa sida loo fulin doono xukunkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here