Howlgalo Qorshaysnaa oo Xalay Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Ciidamadda Dowladda Federaalka Sooamaaliya ayaa xalay howlgalo qorshaysnaa ka fuliyay Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Howlgaladda oo ahaa kuwa qorshaysan ayaa ka dhacay Degmooyinka Warta-nabadda, Boondheere, Holwadaag iyo Hodan,waxaana fulinayay ciidamada booliska ee sida gaarka ah u tabaran.

Intuu howlgalka socday Ciidamadda ayaa qabtay tiro dhalinyaro ahoo lagu tuhmaayo falalka amnidaro ee mararka qaar ka dhaca magaaladda muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen laamaha amaanka,howlgalkaan xalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho ayaa qorshihiisa ahaa sugidda amniga magaaladda oo haatan soo hagaagaya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here