Raisulwasaare Kheyre oo La Kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey James Swan

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan.

Kulanka labadda dhinac ayaa looga hadlay Doorashooyinka Qaranka ee lagu wado inay dalka ka dhacaan 2020/2021 iyo sidii beesha caalamka kaalin ugu qaadan laheyd fududeynta qabsoomimadda Doorashadaas.

Inkastoo xafiiska Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre uusan ka hadlin kulanka labadda dhinac,hadana warar soo baxaya ayaa sheegaya  in James Swan uu Ra’iisal Wasaare Khayre kala hadlay inaanay doorashooyinka ka dib dhicin waqtigooda.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa  James Swan u cadeeyay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay inay doorashooyinka ku dhacaan xilligooda.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan ayaa mudooyinkii dambe ku dhex milmay arrimaha siyaasadda Soomaaliya,wuxuuna safari shaqo ku tagay Maamuladda Puntland iyo Jubbaland oo Dowladda Dhexe heshiis la aheyn.

Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa Xakuumadda Soomaaliya ku eedeynaya in aysan diyaarinin qorshihii loogu diyaar garoobi lahaa doorashadda  2020/2021,taasi badalkeeda ay ku mashquushay burburinta Maamuladda dalka ka jira.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here