Warar kaladuwan ayaa laga helaya weerar xubno katirsan Alshabaab ay kuqaadeen saldhig ciidamada booliska Kenya ay kuleeyihiin waqooyi Bari dalka Kenya habeennimaddii xalayto aheyd.
Booliska Kenya ayaa sheegay in weerarka uu kadhacay deegaan lagu magacaabo Olla deegaankaasi oo hoostaga magaalada Mandeera ee waqooyi Bari dalka Kenya waxaana Alshabaab ay burburiyeen saldhiga ciidamada Kenya ay kuleeyihiin deegaanka Olla iyo sidoo kale xarunta shirkadda isgaarsiinta Safaricom ay kulaheyd deegaanka Olla ee hoosta magaalada mandheera ee waqooyi bari dalka Kenya.
Macadda qasaaraha Rasmiga ah ee kadhashay weerarka Alshabaab ay kuqaadeen saldhiga ciiidamada booliska Kenya ay kuleeyihiin gobalka waqooyi bari dalka Kenya iyo sidoo kale shirkadda isgaarsiinta safaricom oo kashaqeysa dalka Kenya.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Alshabaabka weerarka kuqaaday saldhiga ciidamada booliska Kenya ay kuleeyihiin gobalka waqooyi bari Kenya.
Alshabaab ayaa muddooyinkii udambeeyay kordhiyay weerarda ay kuqaadayaan saldhigyada ciidamada Kenya kuleeyihiin qeybo kamid ah xadka wadamada Somalia iyo Kenya iyo sidoo gudaha dalka Kenya.
Dhawaan ayay aheyd markii dagaalyahannada Alshabaab ay weerar kuqaadaan saldhig ay si wadajir ah uga howlgalaan ciidamada Kenya iyo sidoo kale ciidamada mareykanka saldhigaasi oo lagu magacaabo manda Bay kaasi oo kuyaalla magaalo xeebeedka Laamuu oo dhacda xadka wadamada Somalia iyo Kenya.

