Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd dil ka geystay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda taleex Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa dilay Wiil dhalinyaro ahaa oo goobta ku sugnaa,gaar ahaan maqaayad halkaas ku taala.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wiilka la dilay uu ahaa Taliyihii Nabadd Sugidda Degmadda Qoryooley ee Gobolka shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Magaca wiilka la dilay ayaa lagu sheegay Dhaayow, waxaana goobta laga qaaday Meydkiisa.

