Sacuudiga oo Muqdisho Kusoo Celisay 100-ruux oo Soomaali Lasoo Tarxiilay+Dhageyso

0

Boqol Dhalinyaro soomaaliyeed ah oo si Xoog ah looga soo Tarxiilay wadanka Sucuudi Carabiya ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho kuwaasi oo isku jiray Wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo markii Hore Nolol Xumo  iyo Amni Daro uga Cararay Wadankooda.

Dowladda Sucudi Carabiya ayaa lagu eedeeyey inay Wali sii wado Bartilmaameedsi ay ku heysto dadka Soomaaliyeed ee taga Wadankeeda Tilaabooyinkaasi oo la sheegay inay ka Hor imaanyaan Xiriirka Saaxiibtimo ee Dowladda Soomaaliya iyo Sucuudiga oo ka wada tirsan Jaamacada Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo Dhalinyaradaan maanta ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Adaan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Idaacada Simba u sheegay in Arintaani ay tahay Wax laga Xumaado,Asago xusay in Dowladda Sucuudiga ay wali sii wado Falalka aan la mahadin oo ka dhan ah Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xildhibaana oo sii hadlaya ayaa sheegay in korortay Halista Dhalinyarada Soomaaliyeed ay kala kulmayaan Kooxaha wax Tahriibiya kuwaasi Markaan Sameynaya Xeeladu Cusub oo u Fududeynaya inay ka gacanta ku dhigaan Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Doonaya inay Socdaal ku tagaan Wadamada reer Yurub

Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa Muddooyinkii danbe ku Caanbaxday Tirxiilida Dhalinyarada Soomaaliyeed ee wadankaasi Shaqo doonka u taga,Dowladda Soomaaliya ayaana Dadaal Xoogan ugu jirta sidii loo soo afjari lahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here