Axmed Madoobe oo La Filayo in uu Barri Gaaro Puntland

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa la filayaa in maalinimada Barri ah uu gaaro Puntland, Kadib Casuumaad uu ka helay SiciId Cabdillaahi Deni oo ah Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Labada madaxweyne ayaa kulankooda waxaa la filayaa in ay kaga hadlaan arrimo dhowr ah oo la xariira doorashooyinka 2020-2021, waxaana kulankaan ugu yeeray Axmed Madoobe madaxweynaha  Puntaland Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni, sidoo kale waxaa la filayaa in ay ka wada hadlaan khilaafaadka ka dhexeeya Dowladda  dhexe iyo Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa la dhibtoonaya cadaadis kaga imaanaya Dowladda Federal ka Soomaaliya, waxaana ay Dowladdu Qaadacday doorasho dhawaan ka dhacday Kismaayo taa oo Axmed Madoobe loogu doortay  Madaxweyne, inkastoo si weyn looga soo horjeestay  sheegashadiisa madaxweynanimo, waxaana xusid mudan in ay si weyn ugu soo horjeedteen siyaasiyiin wax garad ka soo jeeda Jubaland.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa xariir fiican leh marka lala bar-bar dhigo madaxda  maamul Goboleed yada intooda kale, waxaana la filayaa wax yaabaha kasoo bixidoona kulanka  labada Masuul.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here