Kenya oo Shacabka Balad-xaawo u aqoonsatay Al-shabaab

0

Dowladda Kenya ayaa la sheegay in shacabka  ku sugan Degmadda Baladxaawo ee Gobolka Gedo ay u aqoonsatay Shabaab.

Nabadoon idiris oo kamid ah waxgaradka Gobolka Gedo oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in arintaas ay jirto.

Waxa uu sheegay in Ciidamadda Kenya ay bilaabeen in ay canshuuraan shacabka,islarmarkaana ku eedeeya in ay shabaab yihiin.

Nabadoonka ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabato ficiladda Ciidamadda Kenya ay kawadaan Degmada Balad-xaawo.

Shabaab badan ayaa ku sugan Deegaano ka Tirsan Gobolka Gedo,waxaana sidoo kale Gobolka ku sugan Ciidamadda Kenya ee qeybta ah howgalka AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here