Banaanbax Ka Dhan ah Shabaab oo Ka Dhacaya Muqdisho+Wadooyinka oo Xiran

0

 

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah wadooyinka magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wadooyinka xiran waxaa kamid ah Isgoyska 14-ka October (Ex Zoobe),Isgoyska KM4, wadada Afisyooni,wadada Maka Al Mukarama, Isgoyska Ceelgaabta,Taalada Daljirka Daahsoon.

Wadooyinka xiran waxaa ku sugan Ciidamadda Booliska,waxaana halkaas loo diidayaa gaadiidka dadweynaha, kaliyah waxaa loo ogol yahay dadka lugeynaya.

Sababta loo xirey wadooyinka Magaaladda Muqdisho ayaa lagu sheegay banaabax maanta ka dhacaya magaaladda kaasi oo looga soo horjeedo Al-shabaab oo 28-kii bishaan qaraxa ka fuliyay isgoyska Ex-kontorool afgooya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa talaadadii iclaamiyay in dadweynaha reer Muqdisho ay Khamiistan ka qayb qaataan bannaanbax ballaaran, oo lagu muujinayo sida looga soo horjeedo Al-shabaab.

Dadweyne fara-badan ayaa waxaa la fillayaa inay maanta ka qayb qaataan bannaanbaxani.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here