Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka (NISA), ku eedeysay in ay ku fashilmatay amniga,islamarkaana warkii dhawaan kasoo baxay uu ahaa mid lagu marin habaabinayay Shacabka Soomaaliyeed.
“Madasha Xisbiyada Qaran waxay ka xun tahay in Hay’adda NISA ku guuldareysatay in ay tixgeliso dareenka shacabka iyo dhibane-yaasha Soomaaliyeed ee waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii Ex Kontorool Afgooye, maadaama aysan illaa hadda hay’addu soo bandhigin wax xog ah oo lagu sabirsiin karo qaraabada iyo ehelada dadkii qaraxa ku la’day, iyadoo xafiisyada macluumaadka dalkuna ay dadaal iyo kharash badan ku bixinayaan qarinta xogaha ku gadaaman qaraxa iyo waxyeeladiisa”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay’adda.


