Shariif:-“Qaraxii Exkontarool Waxaa Lagu Fuliyay Canshuurta Shacabka Muqdisho”,!

0

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa dhaleeceen usoo jeediyay Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Muqdisho ayuu ugu horeyntii tacsi u direy Eheladii dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ku fashilmeen sugidda amniga magaaladda Muqdisho,taasina ay  fududeysay in Shabaab ay qaraxyo ka geystaan magaaladda.

“Marka laysku daro qaraxan iyo kii Soobe dhimashada aadey u badan tahay, waxa keenayana waa istaraatiijiyada qaldan ee amniga loo sugayo, oo u suurtagelineysa in cadowgu doorto xiliga iyo meeshuu rabo,dowladdu waxay sababtay in dadka magaaladda Muqdisho la canshuuro oo canshuurtooda lagu dilo,qaraxa ka dhacay Exkontarool waa canshuurta dadka magaaladda Muqdisho laga qaadey,” ayuu Yiri Madaxweyne Shariif.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here