Qaraxii Shalay ka dhacay Magaaladda muqdisho gaar ahaan Ex Koontarool Afgooye waxaa ku dhawaacmay wiil da’yar oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Abuukar oo ah wiil yar oo 8 bilood jir ah.
Maxamed ayaa qarax ku waayay hooydiisa uu xiligaas waday,waxaana la dhigay isbitaalka Madiina kadib markii uu miyir daboolmay.
Sawiro laga soo qaaday wiilkaan yar ee dhaawaca ah oo la soo geliyay baraha bulshada ayaa dad badan waxaa uu ku reebay uur-kutaalo iyo argagax,waxaana haatan gacanta ku haysa Eedadiisa.
Qaraxii Shalay waxaa ku dhintay dad ku u dhaafaya 70-ruux,halka dhawacyada ay kor u dhaafayaan 102-ruux sida Dowladda Soomaaliya sheegtay.

