Kenya oo Ka Hadashay Weerar Shabaab ka geysteen Xadka Somalia iyo Kenya.

0

Dowladda dalka Kenya ayaa war kasoo saartay weerar lagu dilay askar katirsan ciidamada dowlada dalka Kenya kaasi oo ka dhacay xadka meel udhaw xadka wadamada Somalia iyo Kenya.

Weerarkan ayaa loo adeegsaday qarax ladhigay wadada dhinaceeda waxaana la aaminsanyahay in weerarkan ay ka dambeeyeen dagaalyahannada alshabaab oo dagaal kala soo horjeeda dowlada dalka ken ya.

Sida ay sheegtay dowlada dalka Kenya weerarka waxaa ku dhintay 2 askari oo katirsan ciidamada gaarka ah ee dowlada dalka  Kenya kuwaasi oo ku sugnaa kaalin shidaal oo kutaalla meel udhaw xadka wadamada Somalia iyo kenya.

Taliyaha booliska gobalka wajeer ninka lagu magacaabo Thomas Ngeywa oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in weerarkan uu dhacay maalinimaddii jimcada aheyd islamakaana uu nuuciisu ahaa miinada la dhigo wadada dhinaceeda waxauuna warbaahinta uxaqiijiyay in weerarka ay kudhinteen 2 askari oo katirsan ciidamada dowlada dalka islamarkaana ay kudhaawacmeen 7 askari oo katirsan ciidamada gaarka ah ee dowlada dalka oo kusugnaa kaalin shidaal oo ku taalla meel udhaw xadka wadamada Somalia iyo Kenya.

Alshabaab ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda dalka Kenya tan iyo markii ciidamada dowlada Kenya ay kasoo tallaabeen xadka wadamada Somalia iyo Kenya sanaddii 2011 waxaaana xilligaa wixii ka dambeeyay alshabaab ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah ciidamada dowlada Kenya ee ku sugan Somalia iyo sidoo kale weeraro toos ah oo alshabaab ay kageeysanayaan gudaha dalka Kenya,dowlada Kenya ayaa horay u shaacisay in ku dhawaad 100 askari looga dilay qaraxyada la dhigo wadada dhinaceeda ee laga hago goobaha fog fog sida ay qoreen warbaahinta dalka Kenya sanadkii 2018.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here