Ciidamadda AMISOM oo Dad Shacab ahaa Ku Laayay Jannaale+Sawirro

0

Ciidamadda Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa madaafiic ku garaaacay xalay tuulada Waagaadi oo hoos tagta degmadda Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka ciidamadda AMISOM ayaa beer ku taala Tuuladda ku garaacay Madaafiic geysatay khasaare dhimasho.

Inta la xaqiijiyay waxaa duqeynta ku dhintay 9-ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka,waxaana lasoo bandhigay mid kamid ah dadka dhintay ee beerta ku sugnaa.

Duqeyntan oo kusoo aaday iyadoo aaney wax dagaallo ah dhicin ayaa waxay ku garaaceen tuulada iyo dhul beereedka ku xeeran.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here