Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo kamid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya marna soo noqday Wasiirka amniga gudaha Xukuuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii saakay ay ku dhinteen dad fara badan.
Waxa uu sheegay in lagu soo wargaliyay in qaraxii ka dhacay isgoyska Ex-kontorool Afgooye ee Magaaladda Muqdisho, ay ku dhinteen dad ku dhow 90-ruux oo isugu jira, 15-ka tirsanaa Ciidamadda Booliska, 4-ruux oo ajnabi ah oo Turky u dhalatay, iyo 73 oo shacab ahaa.
Xildhibaan C/risaaq ayaa tacsi u direy Eheladda dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Ex-kontorool Afgooye ee Magaaladda Muqdisho.
Waxa uu sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen Al-Shabaab,islamaraana laamaha amaanka laga doonayo in ay jawaab ka bixiyaan.





