Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federalka Somaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa saacadaha soo aadan in uu gaaro magaalada dhuusamareeb ee Caasisimada Galmudug,waxaana socda qaban-qaabadda Soo dhaweynta Wafdiga.
Waxa ugu weyn ee xasan cali kheyre uu u tagayo Magaaladda dhuusamareeb ayaa ah arrimaha la xariira maamul u dhisidda Galmudug, oo in muddo ah ay arrinteedu soo jiitamaysay, khilaafyana ay hareeyeen.
Dhanka kale waxaa uu kulamo la qaadan doona ahlusunna oo inta badan qayb ka ah waxyaabaha dib u dhigay maamul u dhisidda Galmudug, inkastoo hadda heshiis laga gaaray waxyaabo badan oo lagu kala duwanaa, waxaana xasan cali kheyre uu si dhaw ula socon doonaa howlaha ka socda Galmudug ee maamulka loogu yegleelayo.
Xasan Cali kheyre ayaa sidoo kale Kulamo la qaadan doona odayaasha iyo wax garadka reer galmudug iyo madaxda sar sare ee Ahlu sunna, waxaana diiradda la saari doonaa sidii xal waara looga gaari lahaa waxyaabaha cuuryaamiyay maamul u dhisida Galmudug.
Arrinta galmudug ayaa ahayd mid in muddo ah soo jiitamaysay waxaaana hadda muuqda ifi-faalo wanaagsan oo maamul loogu dhisi karo Galmudug, waxaana heshiis laga gaadhay wax badan oo markii hore caqabad ku ahaa maamul u dhisidda Galmudug.

