Wasiiro katirsan xukuumadda federaalka Somalia ayaa maanta hortagay kalfadhiga xillibaanada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Somalia.
Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareeynta musiibooyinka xukuumada federaalka Somalia Xamze saciid xamze iyo sidoo kale wasiirka wasaarada caafimaadka xukuumada Somalia Fowziyo Abiikar Nuur xillibaanada golaha shadcabka baarlamaanka Somalia ayaa su,aalo weydiinaya labadan wasiir ee hortagay kalfadhiga xilibaanada baarlamaanka Somalia ay kuleeyihiin xarunta Villa Hargeysa ee magaalada muqdisho.
Wasiiradan katirsan Xukuumadda federaalka Somalia ayaa waxaa su,aalo dhowr ah laga weydiinayaa hanaan ka ay ushaqeeyaan wasaaradaha ay maamulaan wasiiradan katirsan xukuumada Somalia.
Wasiirka wasaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukumadda federaalka Somalia Xamze siciid Xamze ayaa waxaa su,aalo laga weydiinayaa sida wasaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumada Somalia ay u maareysay dhaqaalihii loogu talagalay dadka ay samaayeen fataahadaha kadhacay qeybo kamid ah gobalallada hiiraan iyo jubooyinka.
Dhinaca kale wasiirka wasaarada caafimaadka xukuumada Somalia Fowziya Abiikar Nuur ayaa iyana waxaa su,aalo laga weydinayaa sida ay ushaqeyso wasaarada caafimaadka ee ay wasiirka katahay.
Xillibaanada baarlamaanka federaalka Somalia ayaa kordhiyay cadaadiska iyo islaxisaabtanka ay kuhayaan golaha wasiirada xukuumada federaalka Somalia todobaadyadii aynu soo dhaafnay waxaana horay u hortagay xillibaanada baarlamaanka federaalka Somalia wasiirada kala ah maxamed abukar islow ducaale wasiirka duulista maxamed c.llahi oomaar wasiirka warfaafinta maxamed cabdi xayir maareeye xaliima ismaaciil ibraahim xaliima yareey taliyaha ciidamada xoogga dalka somaliyeed general odawaa yuusuf raage.

