Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Shabaab waxa ay sheegeen in qaraxa lala beegsaday sarkaal ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Saraakiil kale, kuwaasi oo ku sugan Koonfurta Gaalkacyo.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu beegsaday kolonyo gaadiid ah xilli ay ku socdaalayeen gudaha magaalada Gaalkacyo.
Idaacadda Shabaab ayaa faafisay war kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab oo lagu sheegay in weerarku uu ahaa mid beegsaday hadaf sare oo katirsan saraakiisha ugu sarraysa ciidamada dowladda kuwooda ka howlgala gobollada dhexe.
Inta la xaqiijiyay 8-qof qof ayaa ku dhimatay weerarkaasi, halka dhawr iyo labaatan kale ay ku dhaawacmeen.
Afar ka mid ah dadka dhintay waa askar, halka afarta kalena ay rayid yihiin, kuwaa oo saddex ka mida ay yihiin dumar qaad ku iibinaayay goobta uu qaraxu ka dhacay.











