Puntland oo Ka Hadashay Qaraxii Xalay Ka Dhacay Gaalkacyo

0

Maamul Gobeleedka Puntland ayaa War ka soo saaray Qarax Xalay Ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh geystay.

Wasiirka arrimaha Gudaha Maamul Goboleedka Puntland Maxamed C/raxmaan Dhamancad ayaa ka hadlay qaraxaasi waxaana uu sheegay in ay cambaareeynayaan qaraxaasi, waxaana uu sidoo kale tacsi u diray dadkii dhibaatadu kasoo gaartay qaraxaasi.

Ilaa 7 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta qaraxa ka dhacay ka muuqday burburkii gaariga qarxay, waxaana qaraan lagu weeraray mas’uuliyiin sar sare oo uu ku jiray taliyihii ciidanka lugta iyo xubno kale oo ku sugnaa Hotel ka, balse qasaaraha ugu badan waxaa uu soo  gaaray dad shacab ahaa oo ka ag dhawaa goobta qaraxu ka dhacay, waxaana qaraxaan loo adeegsaday gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Wasiirka arrimaha gudaha maamul goboleedka Puntland  Maxamed C/raxmaan Dhamancad ayaa sheegay in aysan howlahooda u joojin doonin falalkaan qal-qal galinta ah ee ka dhacay magaalada Gaalgacyo.

Qaraxaan ismiidaaminta ah ee xalay dhacay waxaa horay uga hadlay Taliyaha ciidanka Lugta Dowladda Federal Soomaaliya iyo  Guddoomiyaha  koonfurta Gaalkacyo  ee dhanka Galmudug

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here