Axmed Madoobe oo Kismaayo Ka Furay Shirka Wasaaradaha Maaliyadda+Sawirro

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta daah furay shirka wasiirada Maaliyada dalka oo diirada lagu saarayo maaraynta maaliyada dadweynaha iyo hanaanka dayn cafinta dalka.

Shirkan oo in mudo ah soo socday ayaa waxaa ka qaybgalaya Wasaarada Maaliyada Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweynaha ayaa raja wanaagsan ka muujiyay in dalkeena laga cafiyo daynta uu aduunku ku leeyahay si ay usoo noqoto sharaftii iyo hufnaantii hanaanka maaliyada dalka taas oo ah wax mudo ay sugayeen shacabka soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here