Ciidanka Liyuu Police-ka oo Lagu Eedeyay in Ay Xasuuqeen Dad Shacab ah.

0

 

Iyado shalay dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay u ka dhacay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Ethopia gaar ahaan duleedka degmada caabudwaq dagaalkaas oo u dhaxeeyay ciidamada Liyuu boolis iyo dad shacab ah, ayaa waxaa lagu eedeyay Ciidanka Liyuu Police-ka in ay xasuuqeen Dad shacab ah.

Nabadon Shire oo kamida nabaddoonada waqooyiga gobolka Galgaduud oo lahadlay idaacadda simba ayaaa wuxuu ciidamada Liyuu Police-ka ku eedeyay  iney xasuuqeen dad shacaba an waxbo galabsan

Waxaa uu Sheegay iney cidamada Liyuu Police-ka  ay wateen Tuutaha  ciidamada Ethopia waxayna laayeen buu yiri dad shacab ah oo guryahoda kusugnaa

Isagona sidoo kale shegay in aysan arkin wax ciidan ah oo ka socda xagga Galmudug ama ciidanka dowlada somaliya

Dhanka kale mabaddoon Shire ayaaa sheegay in loobahanyshay in ciidamada Ethopia ay Jawaab  deg deg ah kabixiyaan dadkaasi shacabka ah ee lagu xasuqay xadka somalia iyo Ethopia ay wadaagaan.

Shalay ayey aheyd marki dagaal dhimasho iyo dhawac sababay uu kadhacay xadka kala qeybiya somalia iyo Ethopia dagaalkaasi oo u dhaxeeya cidamada Liyuu Police iyo dad shacab ah.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here