Dowlada Dhexe iyo Maamulka KGS oo Bilaabay Dhismaha Maamulada Degmooyinka

0

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koofur Galbeed ayaa Bilaabay Dhismaha Maamulada Degmooyinka Xorta ee Gobalada kala duwan ee maamulka Koofur Galbeed si hoos loogu daadajiyo Nidaamada Dowliga ah.

Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa si wada jira ah ku bilaabay Howlaha Dhismaha Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka ay ka gacanta ku hayeen Ciidanka Amniga Soomaaliya ee Gobalada Baay iyo Bakool sida Idaacada Simba ay usheegtay Wasaaradada Arimaha Guddaha Koofur Galbeed.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Maxaad Mohamed Ciise oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheefay in ku Howlan yihiin Dhameystirka Maamulada Degmooyinka waxaana sheegay in hada Gacanta ku hayaan Dhismaha Maamulka Degmada Diinsoor waxaana sheegay in qorshuhu uu yahay in Dhamaan Degmooyinka Xogta ee Maamulka Koofur Galbeed .

Maalhimii la soo dhaafay Muran Xoogan ayaa ka Taagaan sida maamulka Koofu Galbeed uu Wada Dhimaha Maamulada Degmooyinka Ceelbarde iyo Diinsoor waxaana Degaanka Qaarkood ay sheegeen in Masuq-maasqu Xoogan ay Tabanayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here