Ciidamadda Liyuu Boolis ayaa weerar dhismasho sababay ku qaaday dad Shacab ah oo ku sugnaa Xuduuda Gobalka Galgaduud uu la Wadaago Maamulka Soomaali State gaar ahaan deegaan Booran-cad.
Mid kamid ah dadka deegaanka Booran-cad oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamadda Liyuu Boolis oo si weyn u hubeysan ay deegaanka weerar kusoo qaadeen,islamarrkaana dhibaato geysteen.
Waxa uu sheegay in dadka deegaanka ku sugnaa ay isaga baracakeyn,islarmarkaana ilaa haatan aan la ogeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee weerarka ka dhashay.
Waxa uu sheegay in Ciidamadda Liyuu Boolis ay dhowr jeer deegaanka soo warereen,islamarkaana ilaa haatan aysan jirin cid wax ka qabatay.

