Al-shabaab iyo Ciidamada Millatariga Soomaaliya oo Ku Dagaalamay Hosingow

0

Wararka aynu ka helayno Degaanka Hosingow ee Gobolka Jubada hoose ayaa ku warramaya in halkaasi uu dagaal culusi ka qarxay, dagaal kaan oo u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo Al shabaab ayaa ka dhacay degaanka Hosingow ee Gobolka Jubada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkaas ay khasaaro ku gaarsiiyeen Ururka Al-Shabaab oo soo weeraray Fariisinka Ciidanka,

Cabdiraxmaan Macalin Maxamed oo ka tirsan degaanka maamulka ayaa sheegay in ay ciidanka Millatariga Dowladdu ay iska caabbiyeen weerar ay Al-shabaab ku soo qaadeen fariisimo ay ciidanku ku leeyihiin degaanadaasi.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda,kuwa Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa mararka qaar weeraro ka geysta Ururka Al-Shabaab.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here