Axmed Madoobe oo Eedeen U Jeediyay Dowladda Soomaaliya

0

Axmed Maxamed Islaam  ( Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamul GoboleedKa   Jubaland ayaa maanta dib ugu laabtay magaalo xeebeedka Kismaayo ee xaraunta Gobolka Jubada Hoose.

Axmed Madoobe oo  maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee Caasimadda Delka Kenya, ayaa maanta soo gaaray kismaayo, waxaana la socday xubno ka tirsan maamulkiisa, ammaanka ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana ciidanka ammaanku si weyn ay u adkeyeen ammaanka kismaayo.

Intii uu ku sugnaa madaxweynuhu Nairobi wuxuu kula kulmay xubno ka tirsan Beesha Caalamka, isagoo kala hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashada 2020-ka, khilaafka maamulkiisa kala dhexeeya dowladda iyo arrimo kale.

Sidoo kale waxaa uu la kulmay intii u ku sugnaa Nairobi Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galleed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay saaxibo ku yihiin siyaasadda.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira khilaaf u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Axmed Madoobe, waxaana jira wax yaabo badan oo ay isku fahmi la’yihiin Axmed Madoobe iyo Dowladda uu Hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Maxamed

( Farmaajo)

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here