Al-shabaab ayaa xukun dil ahaa ku fuliyay nin ku dhaqaaqay Ficilkii Qowmu Luud(Nin nin kale u tagay),
Xukunkaan ayaa ka dhacay Fagaare deegaanka Doon Buraale ee hoos taga degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Axmadeey Qaadi Maadeey, ayaa qirtay dambiga lagu eedeeyay,wuxuuna sheegay in uu u tagay Nin kale.
Qaadiga Maxkamadda Shabaab ee Shabeelaha Hoose oo goob fagaare ah ka akhrinayay xukunka maxkamadda ayaa sheegay in Axmedeey uu qirtay dhammaan waxyaabihii lagu eedeeyay ayna ku cadaatay in uu sameeyay ficilkii Qowmu Luud sidaasna xadka looga oofiyay.
Al-shabaab aaya xukuno sidaan oo kala ah ugu fuliyay qaar kamid ah degmooyinka ay ka maamulaan Gobolada dalka.

