Heshiis Nabadeed oo La Dhex-dhigay Beelo Dhawaan ku Dagaalamay Hiiraan

0

Maamulka Gobolka Hiiraan  ayaa heshiis nabadeed dhex dhigay  beelo dhawaan ku dagaalamay degaanno hoostaga degmada jawiil ee gobolka Hiiraan.

Odayaasha degaanka iyo maamulka gobolka  Hiiraan  ayaa dhawaanahaan ku howlanaa sidii ay u heshiisiin lahaayeen beelahaasi walaalaha ah, Guddoomiiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka hiiraan  Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa idaacadda Simba u sheegay in ay ku guuleysteen  in ay dhex dhexaadiyaan  labadii beelood ee dagaalamay ,Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Odayaasha beelihii dagaalamay ayaa si wada jir ah uga qayb qaatay soo afjaridda colaaddii dhawaanahaan taagnayd.

Dhanka kale waxaa uu ugu baaaqay guddoomiye ku xigeenku in aysan dib u soo laaaban colaadani oo kale, ayna ka wada shaqeeyaan sidii ay si nabad galyo ah ugu wada noolaan lahaayeen beelahaan walaalaha ah.

Dhawaan ayay ahayd markii degaanka Mareero oo hoostaga degmada Jawiil ee gobolka hiiraan ay ku dagaalameen beelahaan walaalaha ah,  waxaana maanta lagu guuleystay in la dhex dhigo heshiis nabadeed

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here