Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Al-shabaab ay xalay ku qaadeen Saldhigga Hiilweyne oo qiyaastii 23 KM dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Shabaab ayaa dhowr jiho ka wareeraray saldhiga, waxaana u suurta gashay in ay la wareegaan gacan ku heynta Saldhiga.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay 4 Askari islamarkaana xoogagii weerarka qaaday ay u suurtagashay in ay la wareegaan saldhigga Hiilweyne.
Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in gacanta lagu dhigay saanado melleteri oo gudaha saldhigga ay uga carareen Ciidamadii Dowladda Soomaaliya.

