Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeya Labo maleeyshiyo beeleed.
Dagaalka ayaa ka dhacay degaanka mareero oo 5 km u jirta Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan, warar ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay qasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay, waxaana lasoo sheegayaa in laba qofi ay ku dhinteen halka qof kalena ku dhaawacmay.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu salka ku haayo dhul daaqsimeed iyo aanooyin qabiil, waxaana jirin ilaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Jawiil ee gobolka hiiraan oo ku aadan arrintaan kasoo cusboonaatay degaankaas.

