Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Hoteelka SYl ayaa ku waramaya in wali la maqlayo rasaas ka dhacaysa gudaha Hoteelka, oo maqribkii ay galeyn dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab.
Dagaalyahanada gudaha u galay Hoteelka oo gaarayay 5-ruux ayaa la sheegay in labo kamid ah la toogtay,3-kalana ay wali dagaalamayaan.
Waxaa la xaqiijiyay in weerarka uu ku dhintay mid kamid ah Garsoorayaasha maxkamada Gobolka Banaadir, iyo dad kale.
Dhanka kale ciidamadda amaanka ayaa sheegay in lasoo badbaadiyay ku dhawaad 82-ruux oo ku sugnaa Gudaha Hoteelka kuwaasi oo isugu jirey, Odayaal, Xildhibaano iyo siyaasiyiin.

