Wararka ka imaanaya maagaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa ku warramaya in halkaasi uu maanta shir uga socdo Odayaasha dhaqan ee Hirshabeelle.
Shirka ayaa lagu faaqidi doonaa dhibaatooyinka mar waliba kusoo laalaabta degaanada uu ka arrimiyo maamulka Hirshabeelle, waxyaabaha ugu badan ee shirka looga hadli doono ayaa ah sidii loogu diyaar garoobi lahaa fatahaada uu inta badan sameeyo wabiga shabeelle iyo dhabaatooyinka kale ee kusoo noq-noqda degaanada Maamul goboleedka Hirshabeelle.
Nabaddoon Aweys Nuunoow oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa inoo sheegay in shirku uu saaka uga furmay jowhar ayna kaga arrinsanayaan sidii ay aayaha shacabka Ku dhaqan Degaanadooda ay wax loogu qaban lahaa, waxaa uu sheegay in dhibaatooyin badan ay kusoo noq-noqdeen degaanadooda ayna doonayaan in aysan dib ugu soo laaban dhibaatooyinkaas, waxaana si gaar ah diiradda loosaari doonaa arrinta fatahaadaha wabiga shabeelle.
Shacabka ku dhaqan degaanada uu ka arrimiyo maamulka Hirshabeelle ayaa dhibanayaal u noqday fatahaadaha uu sameeyo wabiga shabeelle, waxaana ugu danbeysay fatahaaddii uu dhaawaan sameeyay wabigu, taasoo Gallaafatay nolosha dad badan oo ku noolaa degaanada Hirshabeelle, sidoo kale waxaa jira shacab badan oo la daala dhacaya dhibaatooyinkii ay kala kulmeen fatahaaddii ugu danbaysay ee wabiga shabeelle

