Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay magaalada muqdisho loogu geystay wiil dhalinyaro ahaa.
Falkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Albaraka Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka,falka dilka ah waxaa geystay kooxo hubeysnaa.
Sidoo kale dadka deegaanka waxa ay inoo sheegeen in ragga hubeysnaa ay doonayeen in wiilka dhalinyaradda ahaa ay ka dhacaan Mobil uu watay,balse uu diiday.
Ala ha u Naxariistee wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Maxamed,wuuna kamid ahaa dhalinyaradda sida weyn looga yaqaanay Degmadda hodan.

