Nabadd Sugidda Jubbaland oo Soo Bandhigtay Nin Shabaab ah oo Dilay Askari

0

Taliska Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa caawa soo bandhigay nin ay sheegeen in uu ka Tirsanaa Al-shabaab,islamarkaana askari ka Tirsanaa Jubbaland ku dilay magaaladda Kismaayo.

Qoraal kasoo baxay Taliska NISA ee Jubbaland ayaa lagu sheegay in ninka lasoo bandhigay lagu raadjoogay 24-kii saac aynu soo dhaafnay.

“Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigtay ninkan isagoo daba gal lagu hayay, askari ka tirsan ciidanka ammaanka Alle ha u Raxmadee oo la oran jiray Maxamed Yare ayuu dilay kana qaatay qorigii 48 saac ka hor NISA Jubbaland oo baaritaan ku waday ayaa soo qabatay caawa ninkan iyo qorigii uu ka qaatay askarigii uu gaadmada ku dilay xili habeen bar ah”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay nisa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here