Dowladda Kenya oo lagu eedeeyay in ay xaalufin Ba’an ku hayso Ugaarta Soomaaliya.

0

Daowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay xaalufin ku hayso Ugaarta Soomaaliya, Cali Yacquub oo ka mid ah Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa Idaacadda Simba U sheegay Kenya ay ka waddo Gobolka Gedo, Xaalufin Ba’an ay ku hayso ugaarta qaybaheda Kala duwan.

Waxaa uu sheegay in  si aan ganbasho lahayn ay Kenya u ugaarsadaan qaybaha kala duwan ee ugaarta, waxaana ay ku rartaan ayuu yiri Gawaari, kadibna ay xuduudka kala baxaan oo ay dalkooda u rartaan, Cali Yacquub ayaa intaa ku daray in ugaarta ay dowladda Kenya gudaha Soomaaliya ka daabusho ay u badan yihiin Cowsha iyo Sagaarada.

Waxaa  sargaal kani uu ugu baaqay umadda soomaaliyeed in ay iska dhiciyaan Dowladda Kenya oo xiligaan Xaalufin ba’an ku haysa ugaarta Soomaaliya qaybaheed kala duwan.

Tan iyo Bur-burkii Dowladdii dhexe ee soomaaliya ma jirin ka warqab iyo ilaalin lagu sameeyo ugaarta soomaaliya, sidoo kale waxaan jirin meelo lagu xannaaneeyo ugaarta,  Soomaaliyana waxaa ay ka mid tahay dalalka ay ku nool yihiin Nuucyada ugu fiican ugaarta, balse  ma jirto cid hadda u taagan ama xil iska saarta in ay xannaaneeyaan ugaarta uu Dalkeennu Qani ku yahay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here