Dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa Mgaaaladda muqdisho ku dilay Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay Degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir.
Sarkaalka la dilay darajadiisa ciidan ay aheyd Kabtan kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar Guutaale,ayaa lagu dilay Degmadda Dharkinley.
Rag hubeysnaa ayaa toogtay,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Kaptan maxamed Cumar Guutaale ayaa kamid ahaa taliska ciidanka ‘Xoogga’,wuxuuna kamid ahaa Saraakiisha sida weyn ugu dhawaa Madaxweyne Farmaajo.

