Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ayaa Maanta Yeeshay Kulankooda 18aad ee Kalfadhiga Lixaad ee Golaha Shacabka BJFS.
Kulanka Maanta Ayaa Ku Furmay 120 Mudane, Waxaana Shir Guddominaayey Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muuday.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa Hor Yimid Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Iyo Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed, Iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha.





