Aqoonyahan Nuur Shiikh Cali oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay sida ugu fudud ee looga hortagi karo, roobabka dabeylaha wata ee ee la filayo in ay ka da’aan qaar kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay aqoonyahanka, in loo baahan yahay isku duubni shacabka Soomaaliyeed iyo madaxdooda ay muujiyaan taasina ay keeni karto in laga hortago roobabka dabeylaha wata, hadii khasaare geystayaan.
Dhanka kale Aqoonyahan Nuur Shiikh Cali oo kamid ah aqoonyahada Soomaaliyeed ayaa Dowladda Soomaaliyeed ugu baaqay in Guddi wasiiro iyo Xildhibaano loo saaro musiibada ka dhalan karta roobabka ee dadka soo gaaraya si gurmad loo gaarsiiyo.

