Xildhibaanadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xaruntooda Magaaladda Muqdisho.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ah Xog- Wareysiga Wasiirada Kala ah Amnig iyo Gaadiidka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Mudane Maxamed C/llaahi Salaad oomaar.
Labadda Wasiir ayay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya dalbadeen in ay hor yimaadaan si wax looga weydiiyo arrimo jiro.
Wasiirka amniga Gudaha ayaa wax laga weydiin doonaan arrimaha amniga dhinacyadda dowladda ku fashilantay, iyo dilkii dhawaan loo geystay Almas Elman oo lagu dhex dilay xarunta Xalane.
Dhanka kale Maxamed C/llaahi Salaad oomaar wasiirka Gaadiidka Xukuumdda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in asna su’aalo laga weydiiyo xayiraadyo la saaray Madaxweynayaashii Hore iyo tan Dowladd goboleedka Jubbaland.

