Roobab dabeylo wata oo Ka Da’ay Punland iyo Maamulka Gobolka Bari oo Hakiyey isku Socodka Gobalkaas…

0

Qaar ka mid ah Degaanada maamul-Goboleedka Puntland ayaa 24-kii saac ee lasosoo dhaafay waxaa ka da’ayay roobab mahiigaan ah oo dabeylo wata.

Bari iyo Gardafuul ayaa ah gobolada ay roobabka xooggani ka billawdeen, waxaana lasoo sheegayaa in ay gaadiid iyo dad shacab ah biyo qaadeen, inkastoo lagu guulaystay in lasoo bad baadiyo dadkii ay biyuhu qaadeen, seddex gaadhi oo kusii jeedey xarunta ganacsiga puntland ee Boosaaso ayay biyuhu qaadeen, waxaana loo fidiyay gurmad deg deg ah oo dadkaa mashaqadu qabsatay lagu badbaadinayo.

Waxaa la hakiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo maamulka  gobolka bari ay hakiyeen isku socodka gobolka bari waxaana ugu wacan cabsi laga qabo in ay dhalato dhibaato kale oo horleh.

Gobalada Bari iyo Gardafuu kuma koobna roobabka xooggani, oo waxaa lasoo sheegayaa in gobolada Nugaal iyo Mudug qaybo ka mid ah ay ka da’een roobab xooggan oo daybeylo wata, haba ugu darnaadaane gobolada dhaca xeebaha oo lasoo sheegayo in ay si xooggan u saameeyeen roobabku waxaan ka go’an isgaarsiinta.

Roobabkaan daybalaha wata ayaa ahaa kuwo horay loosii saadaaliyay, waxaana dhawaan jirtay in ay soo baxaayeen warar sheegaya in gobolada puntland ay ka billaaban doonaan roobab dabeylo wata, waxaana jiray baaqyo loo jeedinayay dadka ku dhaqan degaanada puntland, oo ku aadanaa in ay u diyaar garoowaan robabkaas  la saadaaliyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here