Mas’uliyiin Ka Tirsan  Hir-shabeelle oo Amray Leynta Dad Shacab ah+Dhageyso

0

Mas’uuliyiin  ka Tirsan  Maamul Goboleedka Hir-shabeelle ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dad shacab ah oo dhawaan lagu diley Degmada Bulla-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Ugaas  Qaasim Maxamed nuur oo kamid ah waxgaradka Gobolka Hiiraan oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in mas’uliyiin ka Tirsan Hir-shabeelle ay amar ku bixiyeen in la dilo dad shacab ahaa oo dhawaan banaanbax ka dhigayay Degmada Buula-burde kadib markii ay kasoo horjeysteen maamul loo magacaabay Degmadaas.

Waxa uu sheegay in nasiidaro ay tahay in mas’uuliyiin Maamul ay amar ku bixiyaan dilalka dadka shacab ah.

Hadalka Ugaas  Qaasim Maxamed Nuur oo kamid ah waxgaradka Gobolka Hiiraan ee Hir-shabeelle ayaa imaanaya xili dhowr ruux lagu dilay bilowgii todobaadkaan Degmada Buula-burde kadib banaanbax ay dhigeen,waxaana falkaas geystay ciidamada AMISOM.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here