A.A.W:-“Farmaajo iyo Fahad Yaasiin Waxay isoo Adeegsanayaan Kooxo Culumo ah”,

0

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ay isaga kusoo abaabulayaan koox Culumo.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada Nairobi ayuu sheegay in Labadda shaqsi ay wadaan abaabul xoogan oo isaga ka dhan ah, si loo dilo sharafkiisa.

”Waxaan ognahay in wadaadkii Argagixisad ahaa ee shalay dhiigeyga banneeyey gaalnimadana igu xukumay ay soo abaabushay Hay’adda nabad-sugiddu waxaan ogahay isagoo jiran in kaniini la siiyey oo la soo kiciyey,Maadaama dowladdu fududeysay soo gudbinta fatwada wadaadka argagixisada ah wax diidaya malahan inay barri soo abaabusho dilkayga,Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa ka dambeeyay qorshahaan”, ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Labadii maalin aynu soo dhaafnay waxaa baraha bulshadda qabsaday hadal heynta Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame,waxaa baraha bulshadda lagu arkayay Culumo eedeen u jeedinayay Siyaasiga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here