Isxaaq:-“Ethopiyaanka La Geeyay Dhuusa-mareeb Saameyn Kuma Lahan Ahlusuna”,

0

 

Isxaaq sheikh mursal oo kamid ahaa saraakiishii hore ee maamulka ahlusuna oo la hadlay idaacada simba ee muqdisho ayaa shaaca kaqaaday in awoodda ciidamada ahlusunna ay weli taagantahay islamarkaana ciidamada Ethiopia ee lageeyay deegaanada maamulka galmudug aysan wax saameen ku yeelan doonin awoodda ciidamadda maamulka ahlusunna ee galmudug.

Isxaaq shiikh mursal ayaa hoosta ka xariiqay in dowlada federaalka Somalia ay xaq uleedahay in ay maamusho amniga doorashadda deegaanada maamulka galmudug islamarkaana ay iyadu masuul ka tahay halka lageynayo ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ciidamada midowga Africa amisom ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee hadalkan kasoo baxay hogaankii hore ee maamulka ahlusunna ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan ciidamo katirsan kuwa Ethiopia lageeyay magaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here