Iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay jireen taageeridda dhinacyada kala duwan ee dowladda ka helaysay Wadamda Caalamka sida turkiga iyo imaaraadka carabta Kuwas oo ka qaybqaadanayay dhismaha iyo hormarka dalka Somalia,sida inay ka fuliyaan mashariicda hormarineed dhismaha wadooyinka goobaha muhiimka u ah dalka sida groonada diyaaradaha dhismaha dekadaha kuwaas oo qeyb wayn ay ka qaataan dib u dhiskooda iyo qalabeyntooda.
Siyasiyiinta kasoo jeeda degaanada Puntland ayaa waxaa ay eedeemo xoogan ay usoo jeediyeen dowladda imaaraadka carabta oo haatan Ku howlan sidii mashariicyo kala duwan ay ka fuliso degaanaasi.
Saciid waabari Maxamed oo ah siyaasi somaliyeed kana soo jeeda putland ayaa si kulul uga hadlay howlgalkan ka dhan ka ah imaaraadka Isagoona sheegay in looga baahan yahay imaaraadka ay ka dayso faragalinta ay ku hayso somalia gaar ahaan degaanada Puntland.hadii faraha kala bixiwaydana arimaha somaliya ay dacwadd ka gudbindoonaan xafiiska qaramada midoobe ay Ku leedahay Soomaaliya.

