Wasaaradda arimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda dhexe ee somalia ayaa maanta magaaladda dhusamareb ka bilowday kulamo ay la qadaneyso odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanadda cusub e baarlamanka labaad ee maamul Goboleedka Galmudug.
Wasiirka wasaaradda arrimha gudaha dowladda Somalia oo matalaya dowladda dhexe islamarkaana hoogaanka uhaya geedi socodka doorashadda mamulka galmudg ayaa maanta waxa uu xareeyay qeyb kamid ah Ergada beelaha mamulka galmudug ee soo xulaya xildhibanada cusub ee Galmudug,kuwaa oo soo xaadiray magaladda Dhusamareb islamarkana la dajiyey xarun gaar ah oo lagu tala galay Ergada.
Mid kamid ah ergada soo xaadiray magaalada Dhusamareeb ee soo xulaya Xildhibanadda baarlamaanka Cusb ee Galmudug oo lagu magacabo
Nabadon Yuusuf shire warsame oo la hadly idaacada simba aya sheegay in inta badan Ergada xulista Xildhibaanadda baarlamaanka Galmudug loo xilsaaray beelaha matalaya ay soo gaareen magaaladda Dhuusamareb.
Balse waxa u sheegay in qaar badan oo kamid ah wakiiladda matalaya beelaha Galmudug aynan so xadiri karin sababo la xirira waqtiga oo aad u yar.
Dhinaca kale nabadoonka ayaa dowladda federaalka somalia iyo mamulka ahlusuna waljameeca oo dhaq dhaqaaqyo isdiidan kawada magaaladda Dhuusamerb waxa u ugu baaqay in ay joojiyan hanjabada iyo wararka kulul ee midba midka kale uu doonayo in uu ugu awood sheegto ee midiyaha ama warbahinta isku marinayo.

