Dowladdaha Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyey inay ku midoobeen Abaabulka Falal ka dhan ah Qaranimada iyo Daganaanshaha Amni ee Soomaaliya,kuwaasi Ficiladoodu sida la sheegay ay hada ka dhagan Galayaan Deegaano ka tirsan Koofurta Soomaaliya siiba qeybo ka mid Gobalada Maamul Gobaleedka Jubbaland.
Xog oo ay Idaacada Simba usoo Gubiyeen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Gedo ee Dowladda Dhexe ayaa Xaqiijineysa in Xerada Ciidanka Kenya ee Degmada Ceelwaaq in lagu qeybinayo Lacag Faro badan oo la siinayo Shaqsiyaad la sheegay inay daacad u yihiin Dowladda Kenya, islamarkaana laga soo Aruuriyey Gudaha Gobalka Waqooyi Bari ee Kenya kuwaasi oo loo Diyaarinayo in ay Deegaanka dhigtaan Degmada Ceel-waaq.
Lacagtaan ayaa la sheegay inay qeybinteeda ay iska kaashanayaan Mas’uulyiinka ka tirsan Maamulka Jubbaland oo dhawaanahaan ku sugnaa Dalka Kenya iyo Saraakiil Kenyaati ah kuwaasi oo qeyb ka ah Abaabulka Dagaal Beeleedkaan Cusub ee Shisheeyuhu uu Maalgalinayo sida Idaacadda Simba uu u Xaqiijieyey Axmed Barre Cabdulaahi oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Gedo ee Dowladda Taageersan.
Dhanka kale Ciidamada Kenya oo Wada Gaadiid Dagaal iyo Saanad Culus ayaa soo gaaray Deegaano ku Xeeran Xuduud Beeneedka labada Dowladda ay Wadaagaan kuwaas oo saacadihii la soo dhaafay Dhaqdhaqaaq dhanka Cirka ah ka Bilaabay Waqooyiga Gobalka Gedo Axmed Barre ayaana sheegay inay Dadka shacabka ah Dareemayaan Cabsi Xoogan uu ku aadan Xaalada Ciidan ee Gobalka ku soo korortay.
Dowladda Kenya iyo Imaaraadka la sheego inay Xiriir Dhow la leeyihiin Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland ayaa waxaa soo baxaysa Cabsho Xoogan oo ka Imaanaysa Dadka Gobalka Gedo oo dhibanayaal unoqday Xad gudubka ka dhan walba leh ee Mudda dheer wehelka looga dhigay.

